Bulsha:- Mid kamid ah Dumarka Soomaalida ee inta badan lagu tuhmo Anshax xumida ayaa waxa ay Shabakadda soomaalida,net soo gaarsiisay Qoraal ay uga cabaneyso Tilmaamo xun oo ay Ragga iyo Dumarka ku caayan ama ay ku sheegan.
Haddaba Gabadhaasi oo Shabakadda usoo dirtay Qoraal gaaban ayaa waxa ay marka hore ka codsatay in aan la shaacin ama aan la xusin Magaceeda, balse lasii daayo Cabashadeeda si ay Soomaalida gaar ahaan Ragga Afka xun uga waan-toobaan waxa uuna qoraalka u qornaa sida tan:-
Ruuxa ama qofka bani’aadamka waxa uu Calamka ka leeyahay qoomo gaar ah, balse aniga weli ma aan helin Noole I qiimeya oo dhowra Jiritaankeyga.
Waxan muddo Seddex Sanno ku noolahay Dalka Tanzania, waxan jeclahay Ruux aan u arko inuu yahay shaqsiga nolosha ila qeybsan lahaa, isaga ayaa iga keensaday Jaceylka iyo wax waliba oo aan u arko inaan kula noolan karo isaga.
Waxa uu iga dalbaday inaan u hibeeyo qeybo kamid ah Jirkeyga, wey dhacday oo aniga uma aan diidin, balse muddo kadib ayan arkay Soomaalida dalkaasi igula nool oo six un iisoo eegeysa, maalmo kadib waxan helay macluumaad horu dhac ah, waxaana la iisheegay in Ficilkii uu wiilkaasi igu sameeyay laga maqlay ama looga sheekeysanaayo goobaha shaaxiga lagu cabo iyo Suuqyada lkn aniga ima uusan xoogin ee aniga ayaa la damcay micnuhu ma ihi gabar dhilo ama wax lamid ah eh waayo waxaan ku bixiyay rabitaan iyo Ogolaansho dhankeyga ah.
Waxan kula talinaaya Ragga iyo dumarka Soomaalida inay iska ilaaliyaan howlaha aan iyaga quseyn waayo dadku waa noole waxaana nafle xur ah, mana jiro qof dhowrsan balse wey la dhuuntaan cid ma Oga.
FIIRO GAAR AH:- Qoraalkan mas’uul kama aha Shbakadda ee waxa ay soo gudbisay Codsi kaga imaaday dhanka Akhristayaasheeda un.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment