Afar Sababood Oo Dumarka Ku Kalifta Inay Khiyaameeyaan Ragga GOGOL DHAAF na sameeyaan-(ugaar ah raga)

Bulsha:- Akhirstayaal wax cusub maaha in la maqlo haweenay baa lamaanaheedii khiyaamaysay, taas macnaheeduna maaha in haweenku wada
khiyaamo badan yihiin, waxaynanu isku dayeynaa sababta ku kaliftay in badana
haweenku khiyaamo ula yimadaan lamaanahooda.

Waxyaabaha ugu badan ee haweenka khiyaamada ku kalifa ayeynu ka soo qaadan doonaa afartaan soo socda; Waxay khiyaamada Gabadhu u gashaa si ay
farxadeeda ugu raadiso:

Dumar badan baa khiyaamada ku kaca si ay farxadooda u helaan,
ugana kasbadaan waxyaabo ay aad u xiiseeyaan lamaanahooda, danaha iyo
waxyaabahay jecel yihiin waxay badana haweeku ku hoggaamiyaan inay khiyaamo la yimadaan.


Khiyaamada noocan ah maaha mid la xidhiidha cadiifadooda, balse waa wax ka baxsan oo ku saabsan farxad gelinta amma siday u heli lahayd gabadhu wax farxad ku abuura.

Waxay doonaysa waxa gacanta ugu jira wax ka badan: Arrinta ugu badan ee gabadhu khiyaamada ula timadaa waa inay hesho waxay gacanta ku hayso wax ka badan oo ay haysato gabadh asxaabteeda ah ama ay jaar yihiin.
Hinaase dartii: Gabadh kasta waxay jeceshay in lamaanaheedu ku kalsoonaado, waxaanay ku kacdaa khiyaamo haddii ay saygeeda amma ninkay jeceshahay ka dareento inuu meelo kale halacsanaayo, iyadoo isku dayda khiyaamooyin
badan oo ay ku soo ceshanayso qofkay maanka ku hayso.

Saygeeda amma qof ay jeceshay oo ay ka dareento dayacaad iyo dhayalsi: Gabadh kasta markay dayacaad iyo dhayalsi ka dareento saygeeda amma qofkay doonayso inay nolosha la qaybsato waxay ku kacda khiyaamo badan oo
ay ku toosinayso isaga.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment