Bulsha:- Haweeneey horay usoo dhashay 13 caruur ah ayaa haatan fileysa inay u dhashaan afar cunug oo kale.
Annegret Raunigk, oo 65 sanno jir ah, ayaa daaha ka qaaday inay rajeyneyso inay dhasho afar caruur ah oo kale maadaama ay gabadheeda ugu yar oo sagaal sanno jir ah dooneyso wiil ama gabar ka yar iyada.
Waxay isku dayeysay inay ku dhasho qalab macmal ah oo aan dabiici aheyn sannadii iyo barkii lasoo dhaafay, sida laga soo xigtay warbaahinta reer Germany ee RTL .
TV-ga RTL ayaana baahin doona waraysi uu la yeeshay haweeneydaan haatan uurka leh, taasoo ayeeyo u ah todobo caruur ah.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment