Xog Ku Saabsan Xiliga Preity Zinta Ay Aqal Gali Doonto Oo La Helay


Bulsha:- Atirishada caanka ah Preity Zinta ayaa lagu wadaa in ugu dambeyntii ay nolosha kaliga ah ka baxday sidoo kalena la aqal gasho nin ganacsade reer Ameerika ah. Preity Zinta ayaa lagu wadaa inay la aqal gasho ganacsade Gene Goodenough oo u dhashay dalka Mareekanka waxana dhigan doonaan xaflad aroos oo kooban horaanta bisha Maarso ee nagu soo fool leh.          

                                                                                 Aqalka galka Preity Zinta wuxuu ka dhici doonaa magaalada Los Angeles ee dalka Mareekanka sidoo kalena dad badan laguma martiqaadi doono madaama labadan lamaane ay yihiin dad jecel nolosha qaaska ah ee aan buuqa badneyn.        

              Preity Zinta qorshaheeda wuxuu yahay in bisha April ay xaflad weyn ku dhigato magaalada Mumbai sidoo kalena ay ku casuunto saaxiibada ay Bollywood­ka ku leedahay.                                                                                                                                               

 Waxaa la sheegay in Hrithik Roshan xaaskiisii hore Sussana Khan ay ka mid tahay martida lagu martiqaaday inay Los Angeles kala qayb gasho Preity Zinta arooskeeda madaama ay saaxiibo dhow yihiin labadan gabdhood. 

                                                           Balse asxaabta kale ee Bollywood­ka ka tirsan dhamaantooda laguma casuumin waxayna martiqaadka Preity sugi doonaan marka ay xidigtan Mumbai kusoo laabato bisha April.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment