Bulsha:- Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulan Muxiyaddiin Xasan Xaaji oo horayna xilal kala duwan uga soo qabtay Dowladda ayaa goor dhow ku geeriyooday qarax loogu xiray gaari uu watay, xilli uu marayay agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Allaha u naxariistee Muxiyaddiin Maxamed Xaaji ayaa horay u soo noqday Wasiirkii Gaashaandhigga ee Xukuumaddii KMG-ka ahayd ee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Nuur Cadde.
Muxiyaddiin ayaa Guddoomiyihii Golaha Dhexe u ahaa xisbi dhawaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.
C/qaadir Barnaamij oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulan oo ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho in Muxiyaddiin Maxamed Xaaji ay dishay gacan ka xaq daran.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment