WAR DEG DEG AH :- Weerar ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay BAYDHABA

Bulsha:-  War goordhow naga soo gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta maamulka KMG Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in qadar yar un ka hor uu 2 weerar ka dhacay magaaladaasi.

Weerarka koowaad oo loo adeegsaday Gaari nooca raaxada oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa, ayaa waxa uu ka dhacay Meel ku dhow Hoteel Baydhaba, halka Weerarka labaad oo ahaa mid uu fuliyay naftii halige uu ka dhacay meel ku dhow goobta uu Qaraxa ka dhacay oo lagu magacaabo Afar Irdoodka.

Labada weerar ayaa waxaa lala eegtay laba goob oo xiliyada galbihii ay ku caweeyan dadka waxgalka u ah Koonfur Galbeed.

Weerarka Ismiidaaminta ayaa la soo warinayaa inuu geystay Khasaaraha ugu badan, halka kan loo adeegsaday Gaarigana uu dhulka dhigay Daaro ganacsi iyo goobo kale.
Si dhab ah looma oga Khasaaraha ka dhashay weerarada is xigay, waxaana hada go’an gabi ahaan wadooyinka goobahaasi gala.

La soco wixii faahfaahin ah wararkeena danbe







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment