Bulsha:- Todobaadkiiba mar ayay Shabakada Hablaha Media Network HMN soo bandhigtaa barnaamijka taxanaha ah ee Weydii Dhaqtaka, kaas oo ka jawaaba su'aalaha la xiriira arrimaha caafimaadka, mashruucan ayaa waxaa iska kaashada Hablaha.com iyo dhaqaatiir aqoon durugsan u leh caafimaadka, kuwaas oo kaa haqaab tiri doona baahidaada caafimaad.
Su'aalaha aan u bandhigno dhaqaatiirta ayaa badanaa waxa ay ka yimaada bulshadeena ku taxan bogga Hablaha.com, iyagoo noo soo marsiiyo E-mail-keena ah hablahamedia@gmail.com. hadaba su'aashan soo socoto ayaa waxa ay ka timid mid ka mid ah Aqristayaasheena.
Su'aal:
Ka : Cawad Axmed
Habeen wanaagsan Hablaha.com kooxda tafaftirka. waxaan doonayaa in aad ii weydisaan Dhaqtarka sida loo dheereeyo ama loo weyneeyo Guska qaab dabiici ah, oo aan wax sameey ah ku keeneyn caafimaadkeyga?
Jawaab :
Cabirka Guska Ragga ee normalka ah ayaa qiyaas ahaan waxa uu u dhexeeya 12.9 ilaa 15cm, waa marka uu kacsan yahay, qiyaastan waa marka aan ka hadleyno wadamada afrikaanka ah. Asia qaarkood haddii lagu soo daro qiyaasta cabir ahaan wey ka yaryihiin marka loo eego Afrika.
Weynaanta iyo dhererka waxa ay ku kale gedisan yihiin hadba sida Qowmiyadaha Aduunka ku kale dhaqan u kale kadisan yihiin, oo qoloba cabir gaar ah oo ayaga iyo haweenkooda laysu talagalay ayay leeyihiin.
Hadaba, haddii aan kuda galno qaabka dabiiciga ah ee aan saameyn ku yeelaneynin caafimaadka qofka, ayaa ah in si dabiici ah lo daliigo adigoo aadaya goobaha loogu talagay sida Massage ama Spa ee u gaarka ah xubnaha taranka ragga, goobahaas ayaa waxa aad ke heli doontaa saliid dabiici ah iyo wax yaaba kale oo ka sameeysan dhirta.
Sii Aqri : Ragga Qalabkoodu yaryahay oo mar waliba ka walwalsan Ciyaarta Sariirta.
Sida kaliya ee wax ku oolka ah ayaa waxa ay tahay in aad latashato dhaqtarkaaga gaarka ah ee arrimaha ku taqasusay, isagoo ku siin doono talooyin la xeriira mowduucan.
Fiiro Gaar ah : hadaba haddii aad ka baqeyso su'aalaha in magacaaga lagu xuso ama loo isticmaalo qoraalka fadlan inoo soo raaci fariimaha aad noosoo direysaan si aan u siino magacyada Mr X (Lab)ama Miss Y(Dhadig) Mahadsanidiin.
Xigasho:- Hablaha.com
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment