Sawiro: Diyaarad ka duushay Xamar oo soo degtay Iyadoo dhinac ka Daloosha

Bulsha:- Diyaarad ay leedashay shirkadda Daallo Airlines oo ka kacday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, ayaa deg deg usoo degtay, ayada oo warar kala duwan ay ksoo baxayaan sababta.

Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaaradda uu dab ka kacay, Lama yaqaan in dabka ka kacay diyaaradda uu yahay mid cilad ka dhashay ama qarax, hase yeeshee sawirro aanu helnay ayaa muujinaya in diyaaradda uu ka muqudo dalool weyn.

Wararka ayaa sheegaya in saddex qof ay ku dhaawacmeen diyaaradda, oo soo noqotay wax yar un kadib markii ay ka kacday garoonka, Diyaaradda ayaa la sheegay inay kusii jeeday dalka Jabuuti.

Ciidamada nabd sugidda Soomaaliya ayaa iminka baaritaan iyo su’aalo weydiin ku wada dadkii saarnaa diyaaradda.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment