Bulsha:- Waxaa lasoo bandhigay arin xiiso badan oo aysan dadka waxba ka ogeyn waxayna ku saabsan tahay kala tagii Katrina Kaif iyo Ranbir Kapoor oo dhawaan nolosha isku faaruijiyeen.
Hadaba waxaa la sheegay in Mega Star Salman Khan uu sadaaliyay dhowr sano ka hor asigoo qamri cabsan in Katrina Kaif iyo Ranbir Kapoor kala haridoonaan.Waxaa la sheegay dhowr sano ka hor Salman Khan oo qamri cabsay xili habeen ah inuu Katrina booqday sidoo kalena kaga digay xiriirka ay la leedahay Ranbir.
Salman ayaa Katrina u sheegay in Ranbir uu meel cidlo ah kaga tagi doono sidoo kalena ay dib kaga shaleyn doonto inay Ranbir jecel la wadaagtay.
Madaama Salman Khan uu qamri cabsanaa hadalkiisa Katrina waxba kama soo qaadin habeenkaas waxaana goobta ka waday darawalkiisa qaaska ah. Balse hadalkii Salman Khan habeenkaas afkiisa kasoo baxay dhawaan ayuu run noqday madaama Katrina Kaif iyo Ranbir Kapoor si rasmi ah u kala hareen!!!
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment