Bulsha:- Rag badan ayaa ka sheegta kacsi la`aan ay kala kulmaan lamaanayaashooda taasi oo ku reebta niyad jab , hadaba maxaa u sabab ah kacsi la`aanta haweenka .Hadaba sedex qeyb ayaan u kala qaadeynaa , qeybta koowaad haweeneyda ayuu la xariira midda labaad ninka halka midka sedexaadna uu ka dhaxeeyo labadooda.
Qeybta koowaad ee haweeneyda la xariirta: waxaa ku keena kacsi la`aanta in ay jiraan xanuuno ka haya dhanka xubinta taranka , in miskaha laga hayo , ama in qaladaad ay ka jiraan dhanka Hormonadeeda.
In ay jiraan mashaakilo dhanka nasfiga ah oo haysta sida wel wel, neerfo kacsanaan, , murgo , rajo beel , cariiri , in ay jiraan xasuusyo xanuuno ku reebay., waxaana sii dheer haddi ay sameeyaan galmo gacmeed(Siigo) iyo in xubinta taranka ay xanuuneyso marka weerarka la sameynayo.
Qeybta labaad ee ninka la xariirta: in ninku yahay macangag, in uu la dhaqankiisa xun yahay, iyo in uu balwad leeyahay sida sigaar, qaad, ama qamri.
In Ninka uusan sameynba baashaalka iyo gogolka xaarka physiological-ka loo yaqaan ee ka horeeya gilinta malabyarowga xubinta taranka gabarta .Sidoo kale in biyaha uu durbo soo tuuro iyo in da`diisa weyn tahay ama uu qabo jahli jinsiyadeed(Galmada Wax Ka Aqoon).
Qeybta sedexaad ee labada lamaane ka dhaxeeysa: In uu jiro is faham la`aan iyo in aan la helinba fursad lagu wada hadlo .In dhibaatooyin qoys oo aan fadhin in uu ka jiro dhexdooda , iyo in ay jirto qiyaano qoyseed oo ninka ama naagta ka tamid
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment