Kalluun ilkaha dadka oo kale leh oo Khatar gaar ku ah ragga oo laga digay (Daawo Sawirada)

Bulsha:- Waa kalluun lagu magacaabo Pach, waxa uu leeyahay ilkaha dadka oo kale, waxa uu ku nool yahay Webiyadda dalalka Koonfurta Latin America, waana Kalluun khatartiisa xambaarsan.

Waxaa kalluunkaasi lagu arkay Webi ku yaalla dalka Denmark iyo Webiga the Seine river ee caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.

Wargeyska The Mirror ee ka soo baxa Britain ayaa maanta lagu soo qoray Maqaal faahfaahin ka bixinayo Nooca Kalluunka iyo Khatarta uu ku yahay Aadanaha, gaar ahaan Ragga.

Wargeysku wuxuu qoray:- : “Haddii aad tahay Lab oo aad doonaysay inaad dabaalato Xilliggan Xaggaa-baxa (This Summer), waa inaad labo jeer taxadir muujisaa si aad uga badbaado Kalluunkaasi oo la sheegay inuu ku soo fool leeyahay Britain.

Waxaa laga cabsi qabaa in Kalluunka noocaasi in lagu soo daadiyo Balliyadda, Webiyadda iyo goobaha kale ee Baraagaha lagu qubeysto.

Kalluunka Pacu waxaa uu leeyahay ilko iyo gooso adag, wuxuuna cunaa geedaha iyo miraha soo raaca biyaha Webiyadda.

Qof kasta oo jooga Britain ee doonaya inuu wax ka ogaado Kalluunkaasi waxa uu u baahan yahay inuu daawado Websaytyadda Kalluun-hayayaasha Khibradda leh, oo iyagu xayeysiin u sameeya dadka doonaya inay iibsadaan.

Kalluunkaasi khatarta ah ayaa la sheegaa inuu dhererkiisu gaaro 26 ilaa 30 hiish (inches), culayskiisuna waa 18 ilaa 30 kiilo.

Shilal dhimasho oo ka dhacay dalal kale sida Papua New Guniea, waxa uu Kalluunka nooca Pacu sababay inay geeriyoodaan rag badan, kadib, markii uu Kalluunka ka goostay qeybta Ragganimadda.

Khubaradu waxay sheegeen inuu Kalluunkaasi leeyahay Ilko soofeysan oo si fudud ku jari kara qeybaha muhiimka ee ragga.

Inta badan Kalluuunkaasi waxaa asal ahaan laga heli jirey Webiyadda ku yaalla Amazon iyo Orinoco ee Koonfurta Amerika iyo Jesiiradda 

Papua New Guinea.

Waxaa Turjumay: Axmed Hagi Ugaaska







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment