Istanbul: Ra’iisul wasaaraha oo furay shir dhaqaalaha Soomaaliya quseeya

Bulsha:- Ra’isal Wasaraaha  xukuumadda federalka Somalia Cumar C/rashiid Cali iyo wafdi uu hogaaminaayo oo gaaray magaalada Istanbul, halkaasoo uu galabta ka furay shirweynaha horumarka iyo maalgashiga Somalia.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad ka jeediyay isagoo ku booriyay madaxdii kasoo qeybgashay in ay indhaha kusoo eegaan Somalia, soona dhoweynayaan shirkaddaha shisheeye ee daneynaya in ay maalgashi ku smaeystaan.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Turkiga ayaa furitaanka shirkaasi ka qeybgalay, isagoo balan qaaday in dowladdiisa ay sii laba jibaari doonto dadaalada iyo horumarka ay ka wado Somalia.

Dhanka kale, waxaa beri ka furmaya Istanbul shir kale oo socon doona 23-24 oo looga hadli doono arrimaha Somalia, kaasoo uu ka qeybgeli doono Madaxweynaha oo maanta u duulay Turkga.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment