Bulsha:- Gabar Dhaqtarad ah oo Yemen u dhalatya ayaa sheegtay inay guursanayso ninkii Meherkeeda ka dhigi kara qoorta madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalix ama qoorta wiilkiisa Axmed Cabdalla Saalix.
Drs. Susan Al-Bacdani ayaa kusoo qortay boggeeda Facebook-ga dalab ay ku goobeyso nin iyada guursada oo buuxin kara hal shardi uun, kaas oo ah inuu Meherkeeda ka dhigo qoorta madaxweynihii hore ama wiilkiisa.
Waxay dalabkeeda kusoo lifaaqday sawirkeeda iyadoo ku labisan dharka dhaqaatiirta xiiranna Niqaabka ama Indha-shareerka wajiga lagu daboosho.
Dhaqtaradda ayaa tiri “Waan ogahay in Meherkeygu ka qaalisanyahay qoorta madaxweynihii xilka laga tuuray. laakiin dalabkan aan madaxiisa ku doonayo waa dalab wadani ah”.
Dad badan ayaa faallo kasoo dhiibtay arrintan, iyaga oo u muujiyay Dhaqtaradda inay aad ugu riyaaqeen mowqifkeeda, isla markaana ay dhammaantood ku dadaali doonaan sidii loo ceyrin lahaa Xuutiyiinta iyo ciidamada Saalix.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment