Faa’iidooyinka Gogol wadaagida (Halkan kaga bogo)

Bulsha:- Guurku waxa uu ka mid yahay astaamaha waawayn ee tusiya ILaahay jiritaankiisa, kelinimadiisa, deeqtoonaantiisa iyo baahida ay qabaan wax isaga ka soo haray oo idil, waxaana taa fahmi kara indhagaraadka oo kaliyah.

Guurku waa gallad kamid ah galladaha ilaah ku galadaystay noolaha dhamaantii marka laga reebo malaa,ikta wuxu yiri inbul-jawzi (RC) : Xuska ilaahay ka dib wax la macaansado waxa ugu macaan badan galmo xalaal ah. Hadaba waxaa lagama maarmaan ah in aynu ku mahadino maalin & hebeen ilaahayga ina siiyaya gallada guurka.

Guurku waa cibaado gaar ah ninkii u niyesta inuu naftiisa iyo xaaskiisa xumaan kaga ilaaliyo , isla markaana ka dhigta sabab ilaahay dhabarkiisa kaga soo saaro ubad Eebe caabuda. Waxaa taa inoo cadeenaya xadiiskii nabigeena suubanaa (SCW) ka sugnaaday oo macnihiisu ahaa : Saddaqo ayeey u tahay ninkii xalaal ugu galmooda xaaskiisa; waxa wariyey muslim

FAA IDOOYINKA GUURKA

Guurku waxa uu leeyaahy shan faa,iido oo kala ah

1; Ubad kaa hara ;- fa idooyinka guurka tan ugu horaysa waa sidii lagu heli lahaa ubad, si aanay tafiirta dadku u dabar go,in.

2; Dhufays aad ka gashid shaydaanka;-Guurku waxa uu ka ooda meluhu shaydaanku ka soo galayay, mar haddey wuxuu xaaraan kuu raadi kuu lahaa rugtaada ku yaalaan iyagoo xalaal ah.
Qofku hadaanu eebe ka cabsi iyo iimaan ku habsaamayn, rabitaankiisa kacsi ayaa hor kaca , hadii markaasi aanu helin guur xalaal ah, siduu danbi isaga ilaaliyaa way adag tahay.

3; Qalbigoo ku daga iyo laabtoo kuu qabawda;- shaqo tay naftu u jeceshahay hadaan loo helin waqti nasasho, waa lagu daalayaa dabateena la iska daynayaa, Hadaba maxaad ka oran lahayd haddey shaqadaasi tahay Taqwada Eebe ooy iyada iyo naftuba isdiidayaan !. Saacadaha uu ninku ku hawlan yahay cibaada alle iyo camalka aduunyo, waxaa haboon inuu dhexgashado waqti uu xaaskiisa kula baashaalo, si qalbigu ugu dego , laabtu u qabawdo firfircoonaanna uga qaado.

4; Hawshii guriga oo hogaankeedi kaa wareego;- Ninka oo ka xorooba maamulka guriga sida, hagaajintiisa, xaaqitaankiisa, goglistiisa, iyo cunto kariskiisaba iyo suuq ka-soo adeegiisa IWM.

Waxay siisaa waqti dheeraad ah oo uu ku shaqayso, waxa ku barto, Eeebena ku caabudo. Rasuulkeena suuban ( SCW) waxa uu xadiis usoo saaray Tirmidi ku leeyahay : ( Midkiin ha yeesho qalbi Eebe ku mahadin og, carrab Eebe xusid badan iyo haweenay mu,minad suuban ahoo Akhridiisa ku kaalamaysa).

Dumarka looma guursado oo qura in aduunyo lagu raaxaysto, caruurna laga daadiyo, balse yoolka ugu muhiimsani waxa weeye inay kuu abuuraan waqti iyo jawi aad Eeebe ku caabudidi.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment