Bulsha:- Wasiirka Maleeshiyaadka iyo Hubka dhigista Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Xasan Maxamed Xuseen Eelay ayaa sheegay in Gacanta lagu hayo inta badan Dadkii soo abaabulay Qaraxyadii khasaaraha badan gaystay ee ka dhacay Baydhabo, islamarkaana la hayo Goobihii lagu soo diyaariyay Qaraxyada, Wuxuuna intaa ku daray in Dadkaan la saari doono Maxkamad Ciddii ay ku Cadaatana Ciqaab adag ay la kulmi doonaan.
Dhaawacyada ku waxyeeloobay Qaraxii Bayadhaba oo ku jira xaalad adag ayaa waxaa lagu hoos dabiibayaa geedaha iyo xaafadaha aan kamidka aheyn goobaha caafimaadka, waxaana Dhaawacyada qaar ayaa waxaa jirkooda ka muuqda gubasho, waxaana jira dhaawacyo ka burbursan madaxa oo aan ilaa iyo hadda helin daryeel caafimaad.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment