Cudurka Zika oo gaaray waddanka Marekanka

Bulsha:- Dalka Marekanka ayaa laga helay kiisas la xiriira caabuqa Zika, oo fara ba’an ku haya Laatiin Amerrika,sida lugu sheegay war ka soo baxay gobolka Texas oo ka tirsan Marekanka.

Kiiskii ugu horreeyay ayaa Texas laga halay,waxaana warka sheegay mas’uuliyinta gobolka,waxaana ay soo bandhigeen waxyaabaha ay ku tuhmayaan qofka laga helay caabuqa Zika,sida uu ku soo gaaray.

“Waxaa suragal ah in bukanakan uu cudurka ka qaaday galmo, sabatoo ah bukaankan ayaanan u safrin dal kale, laakiin waxa uu u galmooday qof qaba caabuqaasi,“sida waxaa sheegay mas’uuliyin u hadashay gobolka Texas oo Marekanka ka tirsan.

Xarumaha caafimaadka ee gobolka waxaa la hakiyay ku deeqida dhiiga,taaso sabab looga dhigay in laga hortago cudurka inuu ku faafo meel kale oo Marekanka ka tirsan.

Hay’adda laanqeyrta cas ee Maraykana ayaa sheegysa in dadka raba in dhiig ay bixiyaan, ee u safray dalalka laatiin Amerika ee uu saameeyay caabuqa Zika, in ay sugaan 28-cisho ka hor inta aysan ku deeqin dhiig.

Waddomo ka tirsan Laatiin Amerrika ayaa dad badan,waxaa ku dhacay caabuqa Zika oo la sheegay inuu dheecanadda iyo dhiiga ku faafo.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment