Bulsha:- Ciidamada dalka ruushka iyo kuwa Dowladda Suuriya ayaa weerar aan loo kala harin ku qaaday ciidamo kamid ah Jabhadaha la dagaalama Dowladda Dalka Suuriya, ciidamadan ayaa ku sugnaa deegaano ku xeeran Magaalada Latakia.
Magaaladan Latakiya ayaa ah Xarunta ay fadhiyaan Ciidamada dalka Ruushka ee iyaguna caawinaya Xukuumadda Dalkaasi, waxaana xaruntani uyaal Diyaardaha dagaalka iyo hubka farabadan ee ay ku duqeeyaan Goobaha ay Maamulaan Jabhadaha ka soo horjeeda Dowladda madaxweyne Assad.
Hoos ka Daawo
Diyaaradaha Dagaalka dalka Ruushka ayaa si toos ah uga qayb qaata dagaalka ka socda dalka Suuriya, iyagoo sida ay sheegeen caawinaya xukuumadda dalkaasi.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment