Ceeb ayeey Wajiga la daboosheen!! (Bal arag Yaabka ka dhacay Masar)

Bulsha:- Maxkamad ku taala Masar ayaa 8 Sano oo Xarig ah ku xukuntay Nin, Saddex Nin oo kalena waxay ku xukuntay Saddex Sano oo Xarig ah, ka gadaal markii dhamaan Raggan lagu eedeeyay inay agaasimeen Xaflad ay Rag isku guursanayeen.

Xeer Beegtida guud ayaa Afarta Rag oo ay Qaniisyo ku magacaawday waxay ku eedeysay inay Galmood Wadareed ku sameeyeen Guri uu midkood leeyahay.

Maxkamad kale oo Magaalada Nasar ku taalana Raggan waxay ku ridday Xukun Ganaax Lacageed ah oo gaaraya midkiiba Kun Giniga Masar ah.

Baaritaanada Maxkamadda ayaa lagasoo xigtay in Raggan Afarta ah ay Dharka Haweenka xirteen, sidaasna ay Galmood ula sameeyeen Rag kale iyagoo Lacag ku badalanaya.

Sanadkii 2001-da ayaa Masar lagu maxkamadeeyay 52 Rag ah oo Qaniisnimo ku eedeysan, Falkaas Maxkamadeynta ahna Hey’adaha Xuquuqul Insaanka ee Dunida ayaa aad u cambaareeyay.

Ragga Sanadkaas la xukumay waxaa ku jiray 23 iyaga ka mid ah oo Xabsiyo 5 Sano gaaraya lagu riday, iyo qaar kale oo Dambi lagu waayay.


Sharciga Masar si toos ah ugama hadlayo Qaniisnimada iyo Galmoodka Dadka isku Jinsiga ah dhex mara, balse guud ayuu Falalka ceynkaas ah ugu Magacaabaa Fisqi, ahna wax la reebay.

Waxaa caada u ah Hey’adaha Xuquuqda Aadaniga u dooda inay ka qayla dhaamiyaan oo ay cambaareeyaan Maxkamadeynta iyo Ciqaabta la marsiinayo Dadka ceynkan ah, balse Diinta Islaamka oo ah halka uu Dhaqanka Umaddeenu ku tiirsanyahay ayaa iyadu reebtay Falalkan iyo kuwa la hal maala.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment