Bulsha:- Super Star Akshay Kumar ayaa todobaadkan marti ku ahaa barnaamijka Big Boss 9 ee uu dhex dhexaadi ka yahay Mega Star Salman Khan. Hadaba Akki wuxuu Big Boss 9 kaga qayb galay inuu filimkiisa Airlift ee Jimcada la daawan doono xayeysiin u sameeyo sidoo kalena uu saaxiibkiis Salman Khan waqti la qaato. Hadaba intii uu barnaamijka Big Boss 9 socday Akki ayaa kaftan ku aadan sababta uu Salman ka madax adeegayo guurka goobta ka sheegay. Sheekada Salman Khan ayaa marka hore bilaabay wuxuuna amaan kala dul dhacay saaxiibkii Akshay sida uu fanka iyo noloshiisa gaarka ah hormar kaga gaaray. Salman Khan wuxuu yiri “Akshay waa saaxiib igu weyn sidoo kalena dhinac walbo nolosha ka dhameestiran wuxuu leeyahay qoys aad u wanaagsan sidoo kalena waa Super Star laga dambeeyo” “Akshay caruurtiisa waxay isku iskuul yihiin Sohail Khan (Salman walaalkiis) caruurtiisa inta badana markii ay tartan qabaan caruurta ama abaal marino la siinayo aniga xitaa Iskuulka ayaan tagaa” “Weliba Akshay marwalbo abaal marinta waalidka ugu fiican isaga ayaa la siiyaa madaama uu waqti balanta Iskuulka ku imaado sidoo kalena uusan caruurtiisa marnaba dalabkooda ka diidin” Akshay Kumar ayaa u mahad celiyay saaxiibkiis Salman wuxuuna yiri “Mahad Salman madaama aad wanaageyga halkan ka sheegtay” Akki ayaa hadalkiisa kaftan ku darsaday wuxuuna yiri “Waxaan ku weydinaa goormaad guursan doontaa sidoo kalena caruur yeelan doontaa oo aad aniga iyo Sohail Khan nagula tartami doontaa abaal marinta waalidka ugu fiican ee iskuulaadka laga bixiyo?” Masraxa Big Boss 9 dhamaan dadkii ku sugnaa ayaa qosol la wada dhaceyn sidoo kalena Salman Khan isagana wuu dhoola cadeeyay laakiin arinkaas jawaab kama bixinin.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment