Bulsha:- 1- Waan Kaa Fikirayay : isku day in aad hesho waqti gaar ah maalintii oo aad og tahay in xaaskaada ay mashquul ku tahay shaqada guriga , soo wac una sheeg in aad ka fikireyso , Heegan24 waxa ay ku leedahay arintaan waxa ay ka qaadeysaa tamar (awood) dheeraad ah oo ay ku sii wadato shaqadeeda , haddii ay mashquulsan tahay ee aysan awoodin in ay telka qabato u reeb fariin , dhab ahaan waa ay farxeysaa marka ay dhageysto .
2- Catarkaada Waan Ka Helay : il gaar ah u yeelo marka lamaantaada catar cusub ay marsato , hoosta ka gili hadal qurxoon oo ah ” catarkaada aad ayuu u wacan” tani farxad ayay ka qaadeysaa waliba wax ay dareemeysaa in aad ka heshay .
3- Waxaad Tahay Hooyo Fiican: waxa ay tani dareensiineysaa in aad u hayso tix gilin ku aadan howsha ay u hayso caruurtaada , waxa ayna ka qaadeysaa awood dheeraad ah
4- Waan Ku Faraxsanahay In Aad Tahay Xaaskeyga: tani wax ay ka mid tahay erayada ugu jilicsan ee lagu xot-xoto haweeneyda waxa ayna ka qaadeysaa farxad middii ugu sareysay .
5- Qaali Aniga Ayaa Hadda Hagaajinaya ” waa ay ku faraxdaa haweeneyda marka ay maqasho in ninkeeda uu si deg deg ah ugu dhag nuglaanayo dalabyadeeda tusaale haddii ay guriga wax ka halaabaan.
6- Ha Iloobin in aad amaanto muuqaalkeeda , kuna cel celi kullamaa waqtiga ku saamaxo .
7- Hadiyad Ayaan Kuu Keenay : haweeneyda aad ayay u jeceshahay hadiyadda ee ninyahoow midba midda ay ka fiican tahay u keen
8- Ina Keen Aynu Wada Baxnee : haweeneyda waa ay ka heshaa marka ninkeeda ugu yeero casumaad banaanka ah , u dooro boos iyo maqaayad tan ugu fiican una diyaari nooca ay cunada ka hesho
9- Waan Ku Jeclahay : xittaa haddii aad tiraahdo haka caajisin in aad ku cel celiso , waayo dhagaheeda kama daalaan , eeg indhaheeda u sheeg in aad jeceshahay .
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment