Qabiirada ku xeel xariirka lamanaayasha ayaa sheegaya in ay jiraan sababo rasmi ah oo ninka ku qasbaya in indhaha uu isku qabto, hadaba waxaa ka mid ah sababahaan.
Waxaa uu dareemaa macaan la`aan lamaantiisa.
Waxaa xiligaa ku soo dhaca haween kale ama xaaskiisa hore.
Ma dareemayo wax soo jiidasho oo uu ka helayo xiligaas lamaantiisa , waxa uuna ka fekarayaa naag kale oo ka raaxo macaan oo ka soo jiidasho wacan.
Waxaa ragga lagu yaqaan in marka ay raaxeysanayaan in ay indhaha la raacaan xaaskooda xiliga galmada socoto , balse marka uu indhaha isku qabto qubarada waxa ay leeyihiin waxa uu ka fekaraya meel kale gaar ahaan naag kale .
Si gaar ah ula soco xaaladiisa marka galmada bilbaato , marka uu indhaha isku qabtana su`aal toos ah weydii .U dhaweey indhahiisa nalka jiifka .
Waxaad tiraahdaa maxaad indhaha isugu qabaneysaa , balse su`aasha ha ahaato mid hab kalgaceyl ku saleysan oo aad u weydiineyso , iskana ilaali in su`aasha si eedeyn ah u weydiiso.
Qubaro kale ayaa iyana aaminsan in indha isku qabashada ragga xiliga galmada socoto ay tahay mid si dabiici ah isaga dhacda gaar ahaan marka uu dareemo raaxo .
Tusaale ahaan qofka marka uu yimaado meel degan hawada furan tahay oo aad hesho meel aad ku santiicsato(Ku tiirsato)waa qasab in aad indhaha isku qabto ,sidaa ayay qubarada ku tilma.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment