Bulsha:- Markaan imid waxaan hawoodey iftiin markaan iftiin heleyna waxaa sii hawoodey iftiin kale mana helin ilaa waxaan iftiin dhab ah aan heley kolkii aad ila qaadey caashaqa.
* Harka dadku hardasaan aniga uma arko har qaboow waxaana dareemaa xilli kasta in aan u baahanahey har qaboow mana jirto meel aan ka helo ilaa waxaan ka helaa laabtaada markaad I geliso (igu haay laabtaada)
* Haddii laygu dhaho hal magac soo qor anigoon aqoon sida waxa loo qoro waxaan hubaa inaan qori karo magacaada maxaa yeeley laabteyda ayaa ku xafidey.
* Waxaa malabka loo jecelyahey muudsigiisa waa daawanimadiisa anna waxaan kuu jeclahey waa caashaqaad I deeqsiisey.
* Sida dhulka uga dhergeyn biyaha, sida maalinta uga dhergeynin kulka (iftiinka) ka yimaada cadceeda ayaana anna marna ka dhergeyn jaceylkaada (wehelkaaga)

* Indhuhu bilic baa ku weyn, hooyadu ilmaheedaa ku weyn geedi sahan wacan baa ku weyn, anna ADIGAA igu weyn.
* Caashaqa howli’i ma hagaago, higsigeena waxaa gaari karnaa kolkaan hawraarsan iyo haye-da isla heyno.
Nolosha baraaraheeda waxaa bilow u ah caashaq, waxaase albaab u ah kalsoonisa qufulna waxaa u ah guur.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment