Weerar Xagga Cirka ah oo Xalay ka Dhacay Gobolka Shabeelada Hoose

Bulsha:- Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee Drones-ka loo yaqaan ay xalay saqdii dhexe duqeynmo dhinaca cirka ah ay ka geysteen gudaha gobolkaasi, gaar ahaan Degaanka Shanta Ameerika oo hoostaga degmada Kuntuwaarey Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Degaanka Shanta Ameeriko oo ay isku dhow yihiin Degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa la sheegay in ay Fariisin u aheyd Xarakada Al-shabaab.

Abuu-Cuteyba


Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in duqayntan lagu dilay Madaxii Jabhadaynta Ururka Al Shabaab, kaasoo magaciisa lagu soo koobay Abuu Cuteyba iyo Saraakiil kale oo isla goobtaasi ku sugnaa.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Shabellaha Hoose, Cabdi Ibraahim Shaamow ayaa sheegay inay maqleen jug xoogan laakiin aanay kala cadayn karin cidda uu bartilmaameydku ahaa.

Dagaal-yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab oo ku baxay goobtii ay duqayntu ka dhacday ayaa waxay xireen wadooyinka soo gala tuuladaasi, si aan macluumaad dhameystiran looga helin cidda lala beegsaday duqayntaasi.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment