Maxkamad ku taalla Belguim oo Ganaax adag dul dhigtay Facebook !!

Bulsha:- Maxkamad ku taalla dalka Belguim ayaa Shabakada Facebook u qabatay 48 saac inay ku joojiso isticmaalka barnaamijka ay ku aruurineyso xogta dadka internetka isticmaala.

Facebook ayaa lagu eedeeyey inuu isticmaalo barnaamij aruurinaya xogta dadka internetka isticmaala goobaha ay booqdaan iyo waxa ay internetka ka daawadaan, xogtaasi oo la sheegay in Facebook ka gado shirkadaha waaweyn ee internetka wax ku xayeysiista.

Barnaamijka Facebook lagu heysto ayaa ah mid ay isticmaalayeen 5tii sano ee lasoo dhaafay, waxaana la sheegay in qofkii booqda webka Facebook xataa haduusan halkaasi ku lahayn bog u gaar ah in, xogtiisa uu Facebook si qarsoodi ah u aruurinayo, sida website-yada aad booqato, waxa aad internetka ka gadato ama ka daawato, xogtaasi oo ay isticmaali karaan shirkadaha ganacsiga si ay kuugu soo diraan xayeysiintooda.

Dacwadan waxaa soo gudbiyey ururka u dooda illaalinta xogta Shacabka ee dalka Belguim kuwaasi oo ku eedeeyey Facebook inay si qarsoodi ah ku aruursato xogta dadka xataa aan kamid ahayn macaamiisha Facebook.

Maxkamada Belguim ayaa sheegtay in Facebook xaq aysan u lahayn arurinta xogtan waxaana loo qabtay shirkada Facebook muddo 48 saac ah inay ku joojiyaan barnaamijkoodan, hadii kale waxaa lagu ganaaxi doonaa lacag gaareysa 250.000 (laba boqol iyo konton kun oo Euro/Yuro) maalin walba oo uu Facebook sii isticmaalo barnaamijkan.

Facebook ayaa loo sheegay inay marka hore dadka weydiistaan ogolaansho inay xogtaasi aruuriyaan.

Shirkada Facebook ayaa sheegtay ay racfaan qaadaneyso balse wakhtiga loo qabtay ayaa uga eg maanta oo ah Arbaco 11ka bisha November.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment