Gabdho Soomaali ah oo laga raadinayo Dal ka tirsan Yurub (Magacyadooda)

Bulsha:-  Ciidamada booliiska Britain ayaa baadi goob xoogan ugu jira Sadax Gabdhood oo heesta dhalashada Dalkaasi balse asakoodu uu yahay Soomaali , kuwaa oo maalmo kahor la waayay halka ay jaan iyo crib dhigeen.

Waalidiinta dhalay Sadaxdan Gabdhood ayaa sheegay in Ciidamada booliiska ku wargaliyeen in ay waayeen gabdhahooda, waxaana gabdhahan la waayay maalmihii Jimaca iyo Axadii todobaadkii lasoo dhaafay.

Gabdha la waayay ee laga baadi goobayo Dalka Ingiriiska ayaa Magacyadooda lgu kala sheegay Fardowsa Xasan oo 16 sanno jira ah,Axlaam Saalax oo 14 sanno jir ah iyo Cabir Saalax, gabdhahan ayaana ah dhamaan kuwa asalkoodu Soomaali yahay.

Booliiska ayaa ku wargaliyay Shacabka in ay usoo gudbiyana xogtan gabdhahan hadii ay arkaan si dib loogu celiyo qoysaskooda oo ka wal walsan xaalada caruurtooda ka maqan mudo isbuuc ah.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment