Bulsha:- Daraasad dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday astaama dhamaystiran oo si toos ah uga caraysiiya Haweenka.
Daraasadan ayaa la sameeyay dhawaan waxana lagu ogaaday waxyaaba badan oo cara aanay fududeen ka soo laabashadeeda dumarka galiya waxaana ka mida :-
1.luminta dareenka jaceyl:- arintani ayaa timaada xiliga ninka uu ku soo daaho meelaha lagu Caweeyo,Jardiinada lagu sheekaysto iyo daawashada Ciyaaraha waxaana ay sababtaa taasi in aanu xaaskiisa ama Jacvaylkiisa aanu la casheyn taasi oo dhalisa Feker iyo xanaaq hoose.
2. ka meer meerida fulinta amarada Haweenaysa iyo bixinta waxa ay jeceshahay : tani ayaa waxa ay tahay mid badanaa soo noq noqota waxaana ay dhalisaa dhabana hays badan iyo Feker soo wajaha Hawewenka iyagoo jecel xilli waliba in la fuliyo amaradooda ama balamada ay raggooda ka qaadaan.
3. Maseyr:- Maseerka waxa uu yimaadaa markii tuhun aan loo ogayn uu galo Haweenayda waxaana inta badan uu yimaadaa tuhunkaasi markii Haweenayda ay aragto ninkeeda ama saaxiibkeed oo Haweenay kale la hadlaya,La qoslaya,lagu arku sawirada dumar kale,Mobailkiisa ay soo wacdo Haweenay,fariimo qoraaleed ay soo dirto haweenay oo laga arko Emailkiisa gaarka ah iyo waxyaaba badan oo halis galinaya haweenayda Jecel ninkeeda.
4.Xiliga uu jiifo Ninka oo laga maqlo dhawaq aan la jeclayn sida Quurada oo kale oo ay dumarka aad u neceb yihiin dhawaqyada ka nixinaya.
4. Diidmo la socoshada iyo la marida wadooyinka xiliyada Muhiimka ah sida waqtiga ay Haweenaydo doonayso in ay indhaha ku nuursato ninkeeda ama Jacaylkeeda isagoo xiliga uu ka biya diido ay bilaabato carada iyo xanaaqa xadka ka baxsan waxaana ay Haweenayda niyada gashataa in uu Xaqirayo ninkeeda ama Jacayleeda xiliga uu diidayo wada la marida.
5.furiin lama filaan ah ama muujinta Caro aan meelna u xisaabsanayn:-
Haweenku waxay si aad ah uga caroodaan oo ay uga naxaan furiinka dhaqsada ah ama xanaaqa la filaanka ah.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment