Daawo:- Mareykanka oo Soomaaliya usoo daabulaya Gaadiid aan Miinada karin..

Bulsha:- Ciidamo ka tirsan Mariniska Maraykanka ayaa waxay Ciiddanka Uganda tababar ku siinayaan Xeradda Singo oo ku taalla Uganda, si loogu tababaro isticmaalka gaadiidka u adkeysan kara inay dul-maraan miinooyinka iyo qaraxyadda kale ee jidka loogu aaso.

Waa Tababarkii Labaad oo ay Ciiddanka Khaaska ee Mariniska Maraykanka u fidiyaan Milliteriga Uganda, iyadoo uu Hawlgalkii Koowaad bilowday dabayaaqaddii bishii August ee la soo dhaafay.

Ku-xigeenka Koowaad ee Kooxda Tababarka Lojististikada Mariniska Maraykanka 1st Lt. Christopher Leisring,ayaa sheegay in Hawlgalkan cusub lagu barayo Ciiddanka Uganda isticmaalka gaadiidka u adkeysan kara miinooyinka iyo weeraradda Jidgalka (mine-resistant, ambush protected vechile).

Dowladda Maraykanka waxay bilowgii sannadkan sheegeen inay Gaadiidkaasi u soo diri doonaan Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Gaadiidkaasi ayaa la sheegay inay Hawlgalka AMISOM ka taageeri doonaan La-dagaalanka Alshabaab iyo khatarta ay Gaadiidka AMISOM kala kulmi jireen miinooyinka loogu aaso Waddooyinka.

1st Lt. Christopher Leisring,waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la fahmo isticmaalka gaadiidkaasisi loo helo dhaqdhaqaaqa madaxa-bannaan ee Gaadiidka ee deegaanadda khatarta ah.













_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment