Bulsha:- Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda kadib markii uu casuumaad oo aan horey loosii shaacin ka helay Madaxweynaha dalkaasi Yoweri Kaguta Museveni.
Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxa uu kulan la yeelan doonnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, Yuweri Museveni, waxaana lagu wadaa inay ka wada hadlaan arrimaha amniga gobolka, dardar-gelinta hawlgalada Ciidamada Amisom ee ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.
Uganda, ayaa waxay ka mid tahay dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.
Madaxweynaha ayaa socdaalka Uganda ka dib, kulan kaa la mid ah Magaalada Djibouti kula yeelan doonna Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidamada ka joogaan waddanka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Shirkii Golaha Guud Qaramada Midoobe ee ka dhacay New York, bishii September, waxay isla garteen dardar-gelinta hawlgalada militeri ee dalka looga sifeynayo Ururka Al Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka dib socdaal ku teggi doona Magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya , halkaas oo uu kaga qaybgeli doono shir Madaxeedkii 4-aad ee wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo dalalka ku yaala Koonfuurta America.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment