Daacish iyo Al shabaab oo Saldhigyo ka sameeystay gudaha dalka Ethiopia

Bulsha:- Saraakiil ka tirsan Dowlada Ethiopia ayaa xabsiga dhigay rag la sheegay Wakiil in ay ka Yihiin Kooxda Daacish ee isku sheegtay khilaafada islaamka.

“Ciidamadeena Amaanka waxay awood u yeesheen inay xiraan 20 dagaalamayaal oo Daacish xiriir la leh , iskuna dayaye inay Khilaafo Islaami ah kaga dhawaaqaan dhulka Itoopiya” sidaa waxaa yiri dacwad ooge Tedros Bahro, oo wariyaasha lahadlay.

Tedros ayaa hadalkiisa kusii daray in kooxdan sidoo kale ay qorsheenayen inay weeraro argagixiso ka fuliyeen Gudaha itoobiya , balse waxa uu dacwad oogahani ku faanay in ciidamadu ay fashiliyeen isku daygii dhalinyaradan.

Dacwad ooge Bahro ayaa walaacii ugu weynaa ka muujiyay wararka sheegaya in kooxdani Daacish xiriirka laleh ay ku suganyihiin deegaano ay kamidyihiin Oromiya, Jima, Laqqa, Chourabi, Khamisi, iyo dhulka Soomaalida ee Itoopiya oo ay kamitahay deegaanka jig-jiga.

Ugu dambeyntii Dacwad ooge Tedros Bahro ayaa sheegay in fariisinka ugu weyn ee kooxdani ay ahayd caasimada Ethiopia ee Adis-ababa qaasatan xaafada Kolfi Qrayno.

Waa markii ugu horeysay oo ay dowlada Itoobiya qirato in wadankeeda ay ku suganyihiin koox Al-shabab iyo ISIS xiriir laleh.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment