Qiso Gaaban Oo Aad Iyo Aad U Cajiib U Ah Mudana Cibro Qaadasho ‘Shaqadaada ha Xumayn’.

Bulsha:- Wuxuu ahaa farsamo yaqaan guryaha dhisa oo u dhisa shariikad qandaraasa dhismayaasha, mudo dheer markii uu ka shaqaynayey shaqadana aad looga jecel yahay ayuu soo qortay warqadii shaqo ka tegista,

Maamulihii shirkada ayaa xasuustay sida fiican ee ninkani ula shaqeeyey mudadii uu shaqaynayey markaasuu ku yidhi: mar hadii aad go’aansatay inaad naga tagto waxaan kaa codsanayaa keliya inaad Gurigan ugu danbeeya eenan weli bilaabin aad bilowdo oo dhamaystirto,

ninkii farsamo yaqaanka foormaanka ahaa ama wastaadka ayaa arintaas aad uga cadhooday markaasuu si cajo jiid ah ku yidhi waayahay waan idiin sii dhamaystiri doonaa,

dabacan qalabkii guriga ayaa lagu wareejiyey ninkii farsamo yaqaanka ayaana bilaabay laakiin wuxuu ku bilaabay si cago jiid ah gurigii isagoon shubkii hoose iyo meelihii muhiimka ahaa aan si fiican uga fiirsan ayuu bilaabay wuxuu dhisay guri aad u liita oo cid aanay degi karin, dantu ka lahaana waxay ahayd inuu ka tago uun shaqada oo uu is dhaafiyo gurigan uu dhisayey oo uu arkayey in lagu sii ciqaabayo ee aanay ahayn shaqo sax ah, dabcan gurigii sida xun uu u dhisay ee daciifka ahaa ayuu u dhiibay furayaashiisii ninkii shariikada lahaa waan dhameeyey gurigii waana kuwaas furayaashii ayuu yidhi ninkii farsamo yaqaanka ahaa,

maxaa dhacay intaas ka dib? ninkii ayaa yidhi shirkada lahaa waxaan jeclaystay maadaama aad mudo dheer nala shaqaynaysay inaan ku siiyo gurigaas oo aad degto abaal gudna aad u qaadato.

ninkii ayaa aad uga xumaaday arintaas waayo guriga wuxu ogyahay inuu xumeeyey oonu ahayn guri reer degi karo,

qisadani waxay inoo sheegaysaa inaan camalkeena hagaajino, oo gurigeena aynu aakhiro ka dhisanaynaa noqdo guri fiican oo wacan, waxay kaloo inoo sheegaysaa qisadu inaan camalkeena ilaashano waxaan ku khatimayno ma wax wanaagsan mise wax xun.

waxaan ka soo tarjumay Buuga la yidhaaho,
Noloshaa sidaas i bartay)
Hussein jama Guudcade.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment