Micno malahan nolosha hadii jaceyl daacad ah jirin

Bulsha:- Fogaanshaha ayaa go’aamiya qofka aad la kulmeysid noloshaada,laakin keliya qalbigaaga ayaa go’aan ka gaari kara kan noloshaada ku waaraya.

*Farxadda qaarkeed waxaa lagu cabiraa aamusnaan,halka dhoolacadeyntuna ay siddo micno ka badan ereyada. Waxaa ley weydiiyey inaan jewi farxad ku jiro markaad nolosheyda ka mid tahay,waxaana ku jawaabaa dhoolacadeyn.

* Haddii la i yiraahdo soo tiri sababaha aan adiga kugu jeclahay,waxa ay igu qaadaneysaa inta nolosha ka dhiman inaan soo xisaabiyo,waayo jaceylkaaga wuxuu iiga dhigan yahay duni aniga iyo adiga inoo qaas ah.

*Nolosha wax macno ah kuma fadhido hadii aanan kaa helin jaceyl daacad ah oo farxad ku dhisan,waana waxa keliya ee aan kaaga baahanahay inaad wahsi la’aan iigu deeqdo.
*Marka waxwalbo u muuqdaan in ay lumeen iyo cidladu deris kula noqoto,xayaat.com ,ma garan kartid wax aad sameyso,Fiiri gudaha qalbigeyga waxaad ka dhex arkeysaa inuu kaaga banaan yahay boos qaas kuu ah adiga.

*Marwalba oo aan ku arkaba aniga xageyga waxwalbo wa ay ka istaagaan, waxaana ku indho doogtaa quruxdaada, Naftu kama dheragto in ay kugu ildoogsato qaabdhiskeeda hagaagsan ee uu alle kuu sameeyey.

*Mararka qaar waxaan dayacaa inaan kuu sheego sida aad xageyga muhiim uga tahay,sida joogidaada ay iigu sameyso farqi weyn.,Dadka nuucaaga ah w ay ku yar yihiin dunida,waxaana rajeynaa inaad garwaaqsatay macnaha aad iigu fadhido.

*Waxaad ku soo gashay nafteyda si kedis ah,waxaadna isiisay labo arimood oo kala ah;Dulqaad qalbiga ka soo go’ay iyo nolosha








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment