Bulsha:- Booliiska Dalka Maraykanka ayaa waxaa la sheegay inay si dirqi ah ay u badbaadiyaan qaxooti ay neefta ku xirantay ka dib markii si xad dhaaf ah looga soo buuxiyey gaari Tareela ah xilli uu halkaas ka jirey kuleyl xad dhaaf iyadoona ay qaxootigaas ay damacsanaayeen inay si sharci daro ah ay tahriib ugu galaan dalkaas Mareykanka.
Qaxootigaan la badbaadiyey oo tiradoodu ay ku dhaweyd ilaa iyo 40 qofood oo isugu jirey Rag , Haween iyo Caruur ayaa waxay ka soo kala jeedeen wadamada Mexico, Guatemala iyo El Salvador iyadoona qaxootigaas oo ay neefta ku xirantay ka dib safar ilaa iyo 5 saacadood qaatey ay halkaas ku badbaadiyeen booliiska gobolka Texas ee dalkaasi Mareykanka ka dib markii ay soo gaartey fariin ku saabsan dadkaas lagu soo qariyey Tareelahaas oo damacsanaa inay sida sharci darada ah ay ku galaan dalkaas Mareykanka.
RIIX HAL KAAN SI AAD U DAAWATO
Ugu dambeyntiina iyadoo qaxootigaas laga badbaadiyey geeri ayaa qaxootigaas markii ay booliisku ay heleen waxay ahayd xaaladoodu mid aad iyo aad u liidato iyadoona ay qaarkood ay awoodi kari waayeen inay si caadi ah ay uga soo degtaan Tareeelhaas, Aaron Ramirez iyo Sergeant Jerry Reyna oo ka mid ahaa booliiskii gaarey goobtaas islamarkaana badbaadiyey qaxiootigaas ayaa waxay sheegeen inay dadkaas ay nolosheedu ay qatar weyn ku jirtey, Darawalkii waday Treelahaas oo lagu magacaabo Drew Christopher Potter oo 33 sano jir ah oo ay booliisku xabsiga dhigeen ayaan wax naxdin ama damqasho ah aan ka muujin xaalada dadkaas qaxootiga ahaa iyadoona ninkaas muteysan doono xaarig gaaraayo ku dhawaad ilaa iyo 10 sanadood iyo waliba ganaax lacageed.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment