Bulsha:- Maalmahaan, dadku waxay si ka fudud si kasta oo hore uga hadlaan galmada. Si kasta ha ahaatee, dadku mararka qaarkood way ka weji gabxaan iney ka hadlaan galmada iyo uurka waxaana laga yaabaa iney dhibaato ka qabsato iney su’aalo ku saabsan galmada ula yimaadaan takhtarkooda ama kalkaalisada.
Sidoo kale, haweenka iyo ragguba inta badan cabsidooda iyo dareemmadooda iyagaa isku qarsada.
Haddii kani uu yahay ilmahaagii ugu horreeyey, waxaa laga yaabaa inaadan ogaannin in uurku uu yahay waqti dareenkaaga badalmo uu adiga iyo aabbaha ilmaha isu kiin beddelo.
Waxaa laga yaabaa inaad dareento daal, niyad kacsanaan, farxad, diiqo, rajo, cabsi, hooyonnimo iyo qurux, lur iyo soo jiidasho la’aan. Aabbuhu, dhinaca kale, waxaa laga yaabaa inuu dareemo inuu ku faano inuu ilmo aabbo u noqdo ama uu ka wel welo mas’uuliyado cusub.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment