Muhaajiriintii ugu badnayd oo gashay Hungary

Bulsha:- Tiradii ugu badnayd ee dadka muhaajiriinta iyo qaxooti aha ayaa sabtigii u tallaabay dhanka dalka Hungary.

In ka badan afar kun oo qof oo lugeynaya ayaa galay dalkaasi Hungary iyaga oo ka tallaabay xudduuda uu dalkaasi la leeyahay dalka ay jaarka yihiin ee Serbia, xilli mas'uuliyiinta Hungary ay dhameystirayeen xaydaab ay dhigayaan xuduudda.

Dhanka kale, muran ku aadan sida loola dhaqmayo dadka muhaajiriinta ah ayaa hareeyay xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya waddamada Hangary iyo Austraia.

Dowladda Hangary ayaa u yeertay safiirka Austria u fadhiya dalkeeda, waxaana wasiirka arrimaha dibadda Hungary uu cambaareeyay hadal ka soo yeeray hoggaamiyaha Austria Werner Faymann, oo is barbardhigay ku sameeyay sida xukumadda Budapest ay ula dhaqmeyso dadka qaxootiga ah iyo sidii Naaziga Jarmalka uu ula dhaqmay Yuhuudda.

Arrintani ayaa ku soo beegmayso xilli isu soo baxyo dhowr ah oo is diidan ay ka dheceen guud ahaan qaaradda Yurub.

Isu soo baxyadani ayaa intooda badan lagu taageerayay dadka qaxootiga ah basle isu soo baxyo kale oo dhowr ah oo iyagana ka dhacay bartamaha Yurub ayaa waxaa looga soo hor jeesaday qaxootiga qaaradda Yuurb ku sii qulqulaya.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment