Mid Ka Mid Ah Agtarada Ugu Caansan India Oo Ku Wajahan Muqdisho!

Bulsha:- Warar soo baxaya ayaa sheegaya in mid ka mid ah Aktarada ugu caansan daka India uu dhawaan kusoo fool leeyahay magaalada Muqdisho, sida lagu qoray mid ka mid ah wargeysyada ugu caansan dalkaasi.

Aktarka caanka ah ee lagu magacaabo Ajey Devgan ayaa isaga oo wareysi siinayay wargeyska The Indian, waxa uu sheegay in uu tagi doono dalal ay Soomaaliya ku jirto, laguna soo jili doono Filim Xiiso Badan.

Waxa uu sheegay in Filimkaan uu ka sheekeynayo Burcad Badeeda iyo sidoo kale kaalinta India ay ka qaadatay sidii ay ula dagaallantay, sidoo kalena waxa uu ka sheekeen doonaa Markab Hindiya oo Soomaaliya lagu soo qafaalanayo.

Waxa uu tilmaamay filimkaan oo isaga uu Directer ka noqonayo in marka hore uu soo indha indheyn doono meelaha lagu jilayo, sidoo kalena uu arrimahaasi kala soo hadli doono dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Warfaafinta oo howlaha filimadana hoostagaan ama wakaaladda Filimada Soomaaliyeed inkastoo aysan hadda jirin.

Hadii ay tani suurta gal noqoto waxay noqon doontaa markii ugu horeysay oo Actor reer Hindiya ah uu Filim ku jilo dalka Soomaaliya.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment