Kareena Kapoor oo maal gelineysa arrin aysan abid horey ugu dhiiran iyo natiijada laga filayo

Bulsha:-  Kareena Kapoor Khan ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay inay nasiibkeeda dhanka maal galinta ku tijaabin doonto.

Balse xidigtan fanka miisaanka culus ku leh sidoo kalena daafaha caalamka aqoonsi caalami ah ka heesato ma qarash gareyn doonto filim Bollywood ah oo macaash laga doonayo.

Kareena Kapoor waxay lacagteeda u hibeen doontaa filim (Documentary) ah oo oo lagu dhiiri galinaayo sare u qaadida awood siinta dumarka.

Filimkan fariinta loo baahan yahay xambaarsan waxaa soo aliftay Aditi Kapoor waa gabar ay Kareena Kapoor wax isla baran jireen xiligii Iskuulkeedii.

Sidaa darteed Kareena ayaa aad uga heshay markii loo aqriyay sheekada filimkan (Documentary) ah waxayna Kareena aqbashay inay bixiso dhamaan qarashaadka ku bixi doono hirgalinta mashruucan dumarka muhiimka u ah.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in bisha October ee nagu soo fool leh duubis lagu bilaabi doono filimkan sidoo kalena ay suura gal tahay in Kareena Kapoor ay muuqaal marti ah ku yeelato madaama ay tahay qof dunida caan ka ah.



kareena kapoor







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment