DHAGEYSO:- Qaar ka mid ah fanaaniintii Hargeysa lagu xiray oo la sheegay in ay ciidan hore ahaayeen

Bulsha:- Labo ka mid ah fanaaniinta Xidigaha Geeska oo uu midi xiran yahay iminka ayaa la sheegay in ay ciidan hore oo ka tirsan ciidanka asluubta Somaliland ay ahaayeen islamarkaana ay mushaar qaadanayeen.
Guddoomiyaha kooxda Xidigaha Geeska Xasan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax, ayaa sheegay in Somaliland ay diiday in xabsiga lagu booqdo fannaaniinta xiran, loona diiday in cunto loo geeyo.

Waxa uu sheegay in fanaaniintan aysan ahayn shaqaale dowladeed, isagoona qiray in laba ka mid ah fanaaniinta Xiddigaha Geeski ahaan jireen ciidan  balse ka hor aas-aaska kooxda ay ka ruqsesysteen.

Fannaaniinta ciidanka soo noqday ayaa guddoomiyaha kooxdaasi Mr. Laabsaalax uu magacyadoodu ku sheegay Maxmed BK iyo C/raxmaan Oday.

“Dastuurka Somaliland melena ugma qorna in tegitaanka Muqdisho ay tahya dambi”, ayuu yiri Laabsaalaax.

Dhinaca kale Jamaal Cali Xasan oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee UCID ayaa canbaareeyey xadhigga fannaaniinta kuna baaqay in la sii daayo. 

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WAREYSIGA:








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment