Daawo Sawirada: Haweeney Caloosheeda laga soo saaray Dheyman Qaali ah kadib markii qaliin lagu sameeyay !!

Bulsha:- Haweeney u dhalatay dalka Shiinaha ayaa si tuugnimo ah u liqday dheyman qaali ah oo lagu qiyaasay lacag dhan Sadax Boqol Kun oo Dollar , hasa ahaatee haweeneydan ayaa ku fashilantay in ay la baxsato dheymankaasi ay xaday.

Jiang Xulian, oo 39 jir ah ayaa tagtay goob carwo ah ay kusoo bandhigayeen dahablayaasha Magaalada Bangkok dahab iyo dhayman, waxa ayna halkaasi ka xaday oo isla goobta ku liqday dheyman qaali ah oo kamid ahaa waxyaabihii carwada lagu soo bandhigayay.

Kaamirada goobta ku xirneed ayaana durba lagu ogaaday haweeneyday xaday dheymanka kadibna liqday, waxaana raajo la saaray lagu ogaaday in caloosheeda ay ku jirto Dheymanka qaaliga ah ee xaday.

Dheecaano iyo Daawooyin la siiyay haweeneydan si dheymanka looga soo saaro ayaa waxba ka tari waayay, waxaana ugu dambeyn haweeneydaasi lagu sameeyay qaliin guuleestay oo caloosheeda looga soo saaray dheymankii ay xaday.

Ciidamada booliiska Magaalada Bangkok ayaa gacanta ku haya haweeneydan ku fashilantay in ay xado dheymanka qaaliga ah, waxa ayna arintan layaab ku abuurtay dad badan oo caalmka ku nool oo warbixinta haweeneydan daalacday.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment