Daawo:- ISIS oo soo saartay muuqaal Maraykanka loogu digayo iyo qaraxyadii 9/11 oo soo noqonaya

Bulsha:-   Ururka Islaamiga ah ee SIS ayaa soo saaray cajalad muuqaal ah taasoo ay ku soo beegeen sanadguuradii 14aad ee ka soo wareegatay weerarkii 9/11 ee lagu qaaday dalka Maraykanka.

Kooxdan soo saartay cajalada muuqaalka ah oo muddo toban daqiiqo soconaysa ayaa waxa ay ugaga digeen Maraykanka in ay weeraro qaraxyo gawaari laga soo buuxiyay iyo dad isku soo xirey waxyaalaha qarxa ay ku weerari doonaan.

Cajaladan muuqaalka ah ayaa lagu soo beegay 14guurada ka soo wareegtay maalintii labo diyaaradood lagu dhuftay xarumaha ganacsiga adduunka ee magaalada New York ayna ku dhinteen dad ku dhow saddex kun oo ruux.

Cajaladan ayaa waxaa ku dhegan sawirka Osma bin Laden hogaamiyihii hore ee Al Qaacida iyo labada xarumaha gancsiga ee daaraha mataanaha. Waxana cajalada ku jira ereyo laga soo xigtay hogaamiyihi hore ee Alqaacida kuwaasoo guubaabinaya in la weeraro Maraykanka,Yuhuuda iyo Kiristaanka.

Muuqaalo kale oo ka muuqda cajalada ayaa lagu arkayaa ciidan la magac baxay Islamic Cyber Army iyo halkudhegyo ay ka mid yihiin ‘Syria Virus’, ‘Dr ISIS’ iyo ‘Hacker Aldmar’. Cajaladan ayaa waxa ay soo baxday maalin kadib markii hogaamiyaha ururka Alqaacida Ayman al-Zawahiri uu soo saaray cajalad maqal ah oo uu farriin ugu direy dhalinyarada Muslimiinta ah ee ku nool Maraykanka iyo wadamada reer Galbeedka isagoo ka codsaday in ay weeraro ka qaadaan wadamadooda. Ayman al-Zawahiri ayaa ku baaqay in dhamaan kooxaha mintidiinta ah ay ku midoobaan jihaadka.












_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment