Bulsha:- Waxaa jira qaar ka mid ah haweenka oo jecel in ninkooda uu u keeno waxyaabo la isku qurxiyo iyo hadiyado qaali ah , halka qaar kalana ka helaan in uu u keeno hadiyo iska caadi ah balse micnooyin badan xanbaarsan .
Ka dib baaritaan fog oo ay sameeyeen qubarada arimaha qoyska xayaati.com ayaan ku ogaanay in waxyaabaha haweenka ay kaga baahan yihiin ragga ay ka badan yihiin dhanka maaliyada , hadaba liiskaan ayaan ku soo koobeynaa wax yaabaha ugu muhiimsan , aqritse adna waad ku sii darsan kartaa qeybta fikradaha
Waqti Dheeraad Ah: ragga badan ma fahansana qiimaha ay leedahay in xaaska la siiyo waqti aad kuwada xariirtaan, waxaa haboon in xaaska waqti la siiyo lala kaftamo , lala sheegeysto .
In Laga Caawiyo Howsha Shaqada Guriga : Haweenka inta badan waa ay ka gaabsadaan in ay ninka ka codsadaan in uu ka caawiyo howsha guriga , hadaba ninyahoow in aad xariif iska dhigto haka sugin in ay kaa dalabato ee inta awoodaada ah la qabo xaaskaada shaqada guriga .
Tix Gilin: Hadii hawneeneydu ay ka shaqeyneyso guriga ama banaanka waxa ay aad u door bideysa in ay dareento in ninkeedu uu tix gilinayo , xitaa hadaad awoodin in aad ku tix giliso hadiyad yar ha iloowin hadalka macaan waa hadiyad .
In Aad Fahanto: haweeneydu aad ayay u jecashahay in ay dareento in ninkeeda uu fahmayo sida iyada u fahmeyso oo kale . Hadaba ninyahoow maanka ku haay in haweeneydu aysan u baahneyn hanti iyo waxyaabaha qurxoon si ay u ahaato mid faraxsan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment