Aqriso: Sida Laga Rabo Inay Ay U Dhaqmaan Ninka Iyo Xaaskiisa.

Bulsha:- Qoysaska soomaaliyeed inta badan waxey ku noolyihiin khilaafaad joogto ah oo soo kala dhex galo had iyo jeer, khilaafaadkaas ayaa ula ka qeybsamo labo, mid ku imaado kalgaceyl xadkiisii dhaafay, iyo mid ka imaado labada qof midkood oo dib u socod ah ama sedexeeye uu ka faaideystay.

Hadaba  halkaan waxaannu idin kugu soo gudbinaynaa dhowr qodob oo boorka looga jafayo had iyo jeer kalgaceylka ka dhaxeeyo lamaanaha si uusan khilaaf oo idil usoo kala dhex gelin, haddaba qodobadaan baro oo intaad isleedahay weey kaa caawinayaan xaaladaad hadda kusugantahay ka qaado.

Ugu horeyn waxaa lagama maarmaan ah inaad lamaanahaaga kagala hadasho dareenkaaga oo aad usheegto sidaad dareemeysid iyo sidaad u jeceshahay, Usheeg isbadalka ku imaaday noloshada kadib isbarashadiinii, usheeg waxaad damacsantahay inaad soo qabsato maantay.

Weeydii lamaanahaaga waxa aay jeceshahay iyo waxa aay necebtahay, oo noqo mid dabeecada qofka uu ladhaqmayo yaqaano, si aad ugu ilaaliso waxyaabaha keeni karo burburka qoyskaaga, noqo mid fahmi karo macnaha jaceylka si aad u noqoto jaceyl sameeye.

Ha noqon mid lamaanihiisa kula dooda meel aay dad ka muuqdaan amaba caruurtaada hortooda, waayo taasi waxey sababtaa naceyb dhexdiina ka aloosmo kaasoo dhamaad yeelan, ogoow khilaafaadka qaar waa dhamaan karaan halka kuwa qaar aay adagtahay in la dhameeyo, sidaasi awgeed la coloow magaca khilaaf oo heshiis kadhigo magaca jaceyl.

Beenta sideedaba ka fogoow waa sheyga u horeeyo ee dumiya qoysaska soomaaliyeed, runta haba laguugu naco balse saaxiib kadhigo runta, intii been hadiyad laguugu siin lahaaa, runta halaguu jirdilo, qoyska beenta wuxuu ku dhismaa maalmo, balse qoysku markii run lagu wado wuxuu ahaadaa qoys lagu waaro.

Marka aad guriga soo gasho ku biloow inaad caruurtaada la cayaarto waayo dumarka ayaga in taxadarka laga bilaabo waxey ka jeceylyihiin in ninku markuu guriga soo galo caruurtiisa halmar uu farxad wada siiyo, xusuusnoow farxadaasi ayada waxey ku yeelaneysaa saameyn aad u weyn, ayadana xiligeeda sii inaad la cayaarto.

Inta aad kamaqantahay inaad online ku sheekeysataan ama aad is wacdaan ogoow waxaa ka wax yeeleyn badan fariin gaaban oo jaceyl miiran ah inaad mobile-keeda ugu dirtid.


Ha noqon mid su’aalo badan oo isku dayo inuu xaaskiisa koontoroolo, dareensii ineey xur tahay wixii aad necbeysatana si degan ugu dhaadhici, waayo canaanta faraha badan dumarka waa ugu sii dartaa maadaama qalbigooda jilcanyahay, hanoqon mid canaan badan iyo mid waano badan.

Xusuunoow in lamaanahaaga aad u jeceylyahay inaad maqasho hadalkiisa oo aad taxadar siiso, waayo abwaan hore ayaa yiri “ Dad waxaa u wacanoo uguna wanaag badan ruuxa waanadaadiyo wax ku qaata hadalka ”
Markii aad la joogto ninkaaga / xaaskaaga oo aad jawi degan iyo cidlo qaadaneeysaaan haba yaraatee shan daqiiqo indho naxariis leh ku beer, aragtidaasi waxey si toos ah u abaartaa wadnaha kana dhisataaa guri aad u baaxad weyn.

Qodobkeena ugu danbeeyo waa inaad ahaataa qof isku kalsoon noloshana ka leh rajo noqo mid lamaanihiisa cibaadada iyo cabsida ALLE ugu baaqo, waayo imaankiina wuxuu ahaanayaa mid aah u adag, qufulka aad ku xirtana cid furto ama cid jebiso lama helayo.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment