Weliga sidaan ha isku dhigan Hadii xitaa aad jeceshay Gacalkaaga

Bulsha:- Waa dabiici marka uu xiriirkagu cusubyahay uu aad u macanyahay oo so jiidasho badan kuu muuqato. Waxa laga yaaba si fudud inaa ku saadalisid inuu xiriir fiican noqon doono oo jaceyl wanaagsan ka dhex abuurmi doono xiriirkaas.

Markaad waqti mucayana la dhaafo oo aad si fiican isku baratan ayaa soo baxa qof kaste wuxu qarinaaye sida dabeecadaha iyo waxa runta ah uu necebyahay nolosha runta ah.khiyaanada Qodobadan hoos ku xusan ayaad ku ogaan karta qofka aad xiriirka jaceyl la wadid inuu khiyaano wado iyo in kale.

Waqti:- Maalmihi hore waxa suurto gal ah inaad xiriirkaga waqti badan isla qaadan jirteen, hadeydan isla joogin xata fariin ama wicitaan telefoon ka heli jirtay, arimahas oo ka hoyda xiriirkina. Banaanko casho isku raacdaan iyo film isla soo dawataan oo meeshi ka baxa, waqtiga wada kulmi jirteen oo is badala ama yaraada. Qofka ku jecel si kasta uu mashquul u yahay wuu awooda inuu ku xiriiriyo ama kula kulmo hadaad isku meel joogtaan.

Caajis:- Caajisnimo aad ka dareenta qofka xiriir la wadid waa tusaale cad in qofkaas xiisuhu ku hayay waqtigiisi dhamaaday. Hadalka aad wada qadatan xata adinkoo waqti isku haya eey kula noqoto inaad la hadleysid qof aad waqti yar is taqaaneen, ama lugu soo gabagabeeyo,meel baan aadaya,waa daahsanayay, mashquul ayaan ahay, ama  waa seexanaya.

Hadaad calaamadahan aragtid la firiiso qofka oo weydii waxa is badalay, wajigagan wax niyad jab ah yeysan ka muuqan yeysan kuula gudbin muran iyo wixi dagaal sababi kara oo si dabacsan u hadal.

Daacadnimada:- Xiriirka jaceylka ciyaar ma ahan, dacaadnimo oo ku beermata xiriirka waxey keenta dabacsanaan iyo jaceyl siyaado ah. Kalsoonida uu ku hayay qofkaas oo ka muuqan waaya, sirti iyo hadalki la wadaagay oo meesha ka baxa waa daacadnimadi leysku bartay oo yaraata hadaba go’aan ka qaado qofkas inteysan si xun isku badalin.

Khaladaad:-Haduu qofka aad jeceshahay had iyo goor ku mashquulaayo khaladadkaga ha yaraado ama ha weynado khaladkuye, oo had iyo goor weyneynaya ama buunbuuninaya khalad aad gashay. Tan ayaa tusaale kugu filan qofkan inuu khiyaanoole yahay, digtoonow hadaad xiriirkaga calaamadan ku aragtid.

Eedeyn:- Eedeyn badan oo aad la kulantid oo khalad walbo oo dhaca adiga kugu eedeynayo inaad tahay qofki sababta u aha.

Runti qof ku jecel waligiis khalad makugu eedeeyo. Hadaad adi tahay qofka khaladka galay xataa asaga ayaa dusha iskaaga tuura, oo marna makula jecla inaa xumaato dareentid. Eedeyntan ayaa sabab u ah iney daboolan khaladaadkooda oo waqti aad ku hadashid ku suurta galin wayo qofkaas.

Kasoo qaad, hadaad soo daahdid sababo gadiidka owgeed wuxu ku weedinaya meeshad kusoo daahday, qofkas oo wuu kala hor mari su’aasha, asoo si fudud cudurdaar ku siin kara, wuuna kala hor mari si aadan u weydin sababta uu telefoon kaga qaban wayay xalay inteysan imaan su’aashas.

Isbadal Dhaqan:- Hadaad aragtid qofka la socotid oo is badal dhinaca labiska ah ku yimaado sida barafuunka ee xirtaan ama qaabka ay u labistaan, indhahaaga fur oo waxa jira qof kale oo eey ka doonayan soo jiidasho ama is tusayaan. Waxyaabo haboon inaad ka digtoonata had iyo goor, ma ahan inaad isku qaadatid maseerleey/maseerlow hada qodabdan ka feejigantid oo waxa waye inaadan marnaba noqon qofki xiriir uu sameeyay daraadiis ka shalaaya.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment