Bulsha:- Is qabashada iyo kala aragti duwanaanshuhu waa mid aadamiga dhamaantii ku beeran, waana mid ka mid ah sunaha nolosha, hasa yeeshee waxa jira erayo ama kelmado dhawr ah oo laga yaabo haddii marka muran idiin dhexeeyo adiga iyo gacalisadaa, haddii aad isticmaasho ama ku weerarto ay ka dhalan karto in burbur ku dhaco wada nolaanshihiina ama ay suura gal ka dhigi kara in wax walba burburaan.
Weedhahan ayaa sidoo kale ah, kuwo haddii aad xaaskaaga ku tidhaahdo noloshiina ka dhigi kara haddii aan kala tag dhicin, in kala fogaansho aad u qoto dheeri yimaado, oo muqaal ahaan noloshiina ka dhigaya sidii laba ruux oo jasiirada midba dhinac kaga nool yahay, ama ku kulmay hudheel oo aan wax xidhiidh ahi u dhaxayn.
Waxba yaynaan sharaxa ku sii dheeraan ee aynu gudo galno weedhan, qalafsan ee xidhiidhka iyo kalgacaylka qoyska ama lamaanaha sida dabayshu u qaado caleenta u xaabin kara.
1. Iga daa Xadgudubka ama waad igu xad-gudubtaa, weedhani waa mid sideeda u qalafsan, waxaanay muujinaysaa, dareen laga dheehan karo, qof aad cadho ururtay u qabtay oo aad mar qudha sidii oo aad ka fara muruxsatay jawaabtii kuugu danbaysay siisay, runtii kalmadani xitaa waxa culayska ay leedahay awgeed ay dadka filimada iyo arrimaha majaajilooyinka ah matalaa, door bidaan inay ka reebaan, marka laga eego heerka miisaankeedana waa eray ugu yaraan dareenka iyo xasaasiyada ka dhalataa aanay suura gal ahayn in ay wakhti kooban ku dhamaadaan, tusaale ahaan qofka aad ku tidhaahdo, waad igu xad gudubtaa ama iga daa xad gudubka ogsoonow in markiiba ay kuu diyaar tahay, su’aal ka dhalanaysa oo ah, sidaan kuugu xadgudbaa, maxaanse kugu sameeyay? Haddii aad si fudud u tidhi iyo haddii ayba dhab kaa ahayd, runtii way adag tahay jawaabteedu, mana noqoto mid qancisa qofka aad ilaa xad heerkaa ka gaadhay inaad ugu soo dhigto hadalka.
2. Kelmada labaad ee iyaduna leh dhibteeda, muranka iyo xurgufta ka dhalataana aanay si fudud u damin ayaa ah, “Maxaa Inoo Diiday ama inooga ba’ay noloshaa iyo guushaa, ama heerkaa.” Adigoo tilmaamay qof kale oo idinka nolol ama karti wanaagsan, xitaa haddii ay kaa tahay inaad ku dhiiri galinayso ama aad adigu uga dan leedahay inaad ku muujiso sida aydun ugu baahan tihiin, in heerkaas oo kale aad gaadhaan. Runtii eraygani marka la isla fahmo maaha mid dhib leh, hasa yeeshee waa weedh ku adag haweenka, mana jeclaystaan in cid kale oo bara dheer ama ka qiimo badan la sheego, xitaa haddii qofka aad tilmaamaysaa ehelka idiinku dhow ama walaasheed tahay, ma aqbali karto in laga horaysiiyo, sida dadka arrimaha lamaanaha faaqidaa tilmaamayaana guuxa iyo kala fogaanshaha ka dhashaa ma noqdo mid si fudud loo danbabasi karo.
3. Naftayda ayaan la faqayaa! Ama in yar ii faq daa walaal, waan yara showrayaaye, runtii waa mid ka mid ah xaqa qofku leeyahay, inuu kaligii faqo ama naftiisa la shawro, waana wax uu u baahan karo, qof kastaa inuu mar mar ama wakhtiyada qaar kali ku qaato, hasa yeeshee mar kasta oo taasi dhacdo ogow in kalsoonida xaaskaagu lumayso, su’aalo badan oo jawaabahooda iyo iska qancintoodu dhib abuuri karaana ka dhalanayaa, haddii aad adigu wax caadiya u haysato in mararka qaarkood buuqa lagaa yareeyo, haweenku taa ma aqbalaan, waxaana ka luma deganaanta oo waxa ay bilaabaysaa gabadhu in ay nafteeda ku daaliso maxaa keenay? Muxuu damacsan yahay? Iyo su’aalo kale oo tira badan.
4. Waxa kugu jirta cuqdad, ama cuqdad baad naftaada ka qabtaa, runtii weedhani waa mid sideeda u adag, oo qalafsan waana hadal xitaa macnaha guud ee qofka wax u dhimaysa, marka ay lamaanaha qoyska noqotana waxa ay abuurtaa xiisad ka badan inta caadiyan ay dhalin karto, ama laga dareen qaadan karo, runtii qof walba wuu garan karaa, jawaabta iyo dareenka ka soo noqon kara haddii aad kalmadaas oo kale ku tidhaahda ama ay afkaaga ka soo fakato weedhaasi, sidaa daraadeed waxa ninka looga baahan yahay inuu ooridiisa ka dhawro ama aanu waligii u adeegsan weedhan oo kale.
5. Reerkaygu kuma jecla, waa wax iska caadi ah, is qabashada iyo kalsooni darada u dhaxaysa xaaska ama gabadha la qabo, dumaashiyaheed iyo sodohdeen ama ninka hooyadii, oo waa arrin dabiiciya in mar walba ay kala cawdaan, hasa yeeshee dhinbiisha ka daran ee mar walba qarxi kartaa waa in aad gabadhaada u sheegto in aanay Ehelkaagu jeclayn, haddii ay weedhaasi kaa soo baxdana ogow in jawaabta ay ka bixisaa noqonayso mid sidii waali ama jinni der deray oo kale ah.
6. Haddii aynu halkaa wax yar iftiimino, haweenaydu iyadoo aan jacayl iyo wanaag midna u hayn qoyskiina haddana waxa laga yaaba in sheekadu idiin gasho, ogow wakhtigaa waxa ay ku doodi kartaa inay u wanaagsan tahay oo ay u jeceshahay, adigana waxa laga yaabaa inaad wax badan oo hoose og tahay, balse waxa kuu wanaagsan oo ninka raga ah la gudboon inuu is diidsiiyo wixii jira, hadalka ku saabsan arrintaasna deg deg isaga xidho haddii kale waxa ka dhalan kara cawaaqib aad u xun.
7. Arrinta kale oo haweenka dhibta ku ah, lagana yaabo in rag badani aanay wax wayn u arag ayaa ah, talo is waydaarsiga, gaar ahaan marka xaaskaagu talo ay kuu soo bandhigto inaad si deg deg ah u tidhaahdo, “Go’aanka kula saxsan ka qaado.” Waxa dhici karta in waxa talada lagaa waydiiyay culus yahay ama fudud yahay, hasa yeeshee haddii aad adeegsato weedha ah, adigu ka go’aan gaadh, waxa ay abuurtaa cadho iyo dareen ku dhasha haweenayda, waxaana laga yaabaa in iyadoo talaabo qaadi lahayd oo ay ka go’an tahay ay haddana si carigsi ku jiro uga dhego adaygto iyadoo doonaysa sababta aad jawaabta noocaas ah oo kale u bixisay.
Akhriste arrimahani waa kuwo laga soo ururiyay nolosha qoyska, waana kuwo u baahan in aad taxadirkeeda u yeelato oo aad intii karaankaa ah ku dedaasho, haddii ay dhacaana deg deg xalkooda u gasho oo aanay qariib kugu noqon.
Faysal Maxamed Xasan
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment