Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo Sheegay Inuu Maxkamad la Tiigsanayo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan (VIDEO)

Bulsha:- Safiirkii hore ee Soomaaliya ee Dalka Kenya mudane, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa warbaahinta dalka u sheegay inuu shaqsi ahaan maxkamad la tiigsanayo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, kaasoo uu ku sheegay inuu yahay shaqsiga kaliya ee ka hor istaagay inuu gudaha u galo magaalada Baladweyne.

Amarka Safiirkii hore loogu diiday inuu gudaha u galo Magaalada Beladweyne waxaa bixiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo ku xigeenadiisa lasoo hadlay una sheegay in Cali Ameeriko uu ka noqdo halka uu ku sugan yahay xilligaasi oo aheyd deegaanka Beer gadiid.


Wuxuu sheegay Amb. Maxamed Cali Ameeriko inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo xaq u leh inuu tago Gobol kasta oo dalka ka tirsan, taasina ay ku cadahay Dastuurka dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay sababtii loogu diiday gelitaanka Magaalada inuusan halkaasi uga hari doonin oo uu maxkamad la tiigsan doono Gudoomiyaha.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment