Haweeneyda Sarkaal Al-shabaab oo gacanta lagu dhigay & arinteeda oo Qatar ah..

Bulsha:- Shamsa Shariif Mohamed oo u dhaxda Dagaalyahan Alshabaab oo ay Boliska Kenya baadi-goobayaan ayaa la soo taagay Maxkamadda Garissa ee W/bari Kenya, kadib, markii ay Ciiddanka Ammaanka qabteen dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ee July, xilli la sheegay in ay kaxeynaysay haween doonayey inay ku biiraan Alshabaab.

Guddoonka Maxkamadda ayaa loo bandhigay Waraaqo Aqoonsi iyo Dukumentiyo kale oo ay Haweeneydaasi wadatay, waxayna qiratay inay been abuur yihiin, waxaana lagu xukumay ganaax lacageed oo dhan 120,000 oo Shillinka Kenya ah.

Marwadaasi ayaa la sheegay inay u dhaxdo Dagaalyahan lagu magacaabo Abdalla Bin Abdalla, oo ka tirsan Dagaalamayaasha Jeysh Ayman ee Xarakadda Alshabaab, kana dagaalama Dhul-kaymeedka Boni Forest ee Kenya.

Boliska Kenya ayaa sheegay inay baadi-goobayaan Abdalla Bin Abdalla oo isagu saaxiib dhow la yahay Sarkaal Kenyaan ka tirsan Alshabaab oo lagu kala magacaabo Axmed Iimaani oo haatan ku sugan gudaha Somalia.

Sirdoonka Kenya ayaa rumeysan in Dagaalyahanka xaaskiisa la xiray uu Gacan-yare u ahaan jirey Sarkaal la oran jirey Hassan Omondi Owitti “Budalangi”, kaasi oo lagu dilay Iska horimaad bishii May ee sannadkii 2-13-dii ka dhacay magaalladda Nairobi.

Dhinaca kale, Bilowgii sannadkan, Hay’addaha Ammaanka ee Kenya waxay xuduudka Kenya la wadaagto Somalia ku xireen dhowr haween u kala dhalatay dalalka Kenya iyo Tanzania.

Boliska Mombasa ayaa rumeysan inay Haweenkaasi oo ka soo jeeda Gobalka Xeebta doonayeen inay ku biiraan Dagaalamayaasha Alshabaab, waxayna Haweenkaasi weli ku xiran yihiin Mombasa







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment