Bulsha:- Warar ay heshay saxaafada madaxa banaan ayaa sheegaya in madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu haatan cadaadis kala kulmayo dowladda Ingiriiska.
Shalay waxaa magaalada Kismaayo tagtay Safiiradda dalkaasi u qaabilsan Soomaaliya, waxaana ay la kulantay Axmed Madoobe oo arimo badan lagala hadlay, iyadoo hadallo adagna loo sheegay.
Xogta aynu helnay ayaa sheegaysa in Axmed Madoobe lagu qasbay in uu dib u dhigo doorashada madaxweynaha Jubbaland xilliga ay dhacayso, maadaama aanu jirin cid kale oo doorashada ka qeybgalayso.
Waxa uu damcay in uu taasi ka biyo diido, laakiinse waxaa loo sheegay hadii aanu aqbalin in tallaab degdeg ah laga qaadi doono mas’uulkaasi.
Axmed Madoobe oo hadalkaasi ka duulaya ayaa degdeg waxa uu baarlamaanka Jubbaland uga codsaday in muddo kale lagu daro waqtiga ay dhacayso doorashada madaxweynaha ee Jubbaland.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment