Daawo:- Al-shabaab oo Hub farabadan lagu qabtay Garrisa

Bulsha:-  Hay’adaha ammaanka ee magaalada Gaarisa ayaa sheegay inay qabteen hub sharci daro ah iyo rag ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Dadka la qabtay waxaa ka mid ah sideed oo dalka Tanzania kasoo jeeda iyo rag kale oo Soomaali ah iyo gabdho loo waday guurka Al-Shabaab

Dadka la qabtay, ayaa waxaa sidoo kale lala qabtay hub isugu jira 7 bastoolad, 7 bam gacmeed iyo sanaadiiq, sida uu sheegay madaxa ammaanka gobolka waqooyi bari Kenya Maxamuud Saalax oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaarisa.

Maxamuud Saalax ayaa sidoo kale ku warramay inay xerada Dhadhaab kasoo qabteen laba gabar oo u kala dhashay dalalka Tanzania iyo Kenya, oo sida uu sheegay loo waday kooxda Al-Shabaab, si ay u guursadaan.

Waxa uu dadka la qabtay ku eedeeyey inay qorsheynayeen weeraro ay ka geystaan magaalada Gaarisa, halka qaar kalena ay u socdeen dalka soomaaliya si ay ugu biiraan Kooxda Al-Shabaab.

Sida uu Maxamuud sheegay, qabashada dadkan ayaa waxaa suurta-geliyey xog ay bixiyeen qaar ka mid shacabka Gaarisa, oo la xiriiray booliiska.













_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment