Aishwarya Rai oo soo wadda Filim cusub oo Carabta lacagta looga furanayo (Warbixin)

Bulsha:- Filimka uu soo saaraha ka yahay Sanjay Gupta ee ‘Jazbaa’, kaasoo ay wadaan Aishwarya Rai Bachchan iyo Irrfan Khan ayaa laga daawan doonaa dalalka carabta, iyadoo la dhigi doono dalalka Yemen, Oman, Qatar, Bahrain, Kuwait, Saudi Arabia, sidaas oo kalena waxaa laga daawan doonaa Iraq iyo Jordan.

‘Jazbaa’ waxaa maal galinaysa shirkadda filimada ee Essel Vision productions ltd, waxaana soo saare ka ah Sanjay Gupta.

Filim soo saaraha Jazbaa ee Sanjay Gupta ayaa shaaca ka qaaday in filimkan laga sii dayn doono suuqyada carabta, islamarkaana taasi ay faa’iido u noqon doonto filimkan.

Goos-gooska filimkan ayaa la sii dayn doonaa 09 bisha October ee soo aaddan.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment