Warqad Sir ah uu Cabdiweli Gaas u qoray Boqorka Sacuudiga Xiligii uu R/W ahaa oo la helay!(Aqriso Warqadaasi)

Bulsha:- Websedka Wikileaks, ee inta badan soo qufaha siraha iyo Dukumiintiyada qarsoon ayaa soo bandhigay Warqad qarsoodi ah uu Boqorkii Dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis u diray Ra'izul Wasaarhii hore ee Soomaaliya hadana ah Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntiland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.


Cabdiweli Gaas ayaa 28 bishii july sanadii 2012, ayaa u qoray warqad sir ah, oo aysan la ogeyn Madaxweynihii wadanka Sheekh Shariif iyo dawladdisiiba , waxa uuna Warqadaasi u diray boqorkii sacuudiga , isagoo kaga cudsanayay in deeq waxbarasho la siiyo arday ay qaraabo yihiin, kana soo jeeda dhamaantood degaanada Puntland.

Warqadaas sirta ah oo ay ka mid ahayd 60 ,000 ( lixdan kun) warqadood oo uu shaaciyeen websetka Wikileaks, ayaa warqadaan waxay ka dhigeysaa mid Somalida u gooni ah. Waxaan ognahay in uu Mr Abdi Wali horay ugu sheegay meelo fagaaro ah reer Puntland , in muddadii uu ahaa Raiisal wassaraha Somaliya , in uu u xaglin jiray, siina jiray reer puntland, waxa Somali ka dhaxeeyo.


Madaxweynaha Puntiland Cabdiweli Gaas ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay Aqoonyahan ay maskaxda ka dagtay Qabyaalada, mar walbana Jecel in Qaranimada Umada Soomaaliyeed uu ka hor mariyo Qabyaalad iyo qolo qoleysi, sida mar walbo laga dheehdo hadalada uu jeediyo.


Halkan ka Aqriso Warqada uu Boqorka Sacuudiga u diray Cabdiweli Gaas







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment