Bulsha:- Dhibane Aadan Waadi Siyaad oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa si xaqdaro ah ugu xeran xabsiga Mandheere ee maamulka Somaliland, oo Taliye ka tirsan ciidamada amniga Laacaanood uu ku soo eedeeyay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.
Taliyaha soo eedeeyay oo lagu magacaabi jiray Cali Dhaleye ayaa xanuun uu la dhul dhacay u geeriyooday sanad kadib, markii uu soo eedeeyay dulmahan xaqdarada u xeran ee lagu xukumay 10 sano.
Xaaska dulmanahan xeran iyo wiil uu dhalay ayaa sheegay in sarkaalka soo eedeeyay ee dhintay inuu dhowr jeer lacag baad ah weydiistay.
Qoyska dhibane xaqdarada ku xeran ee dhibaateysan oo la guddoon siiyay lacag ay ku iibsadaan dhar Ciid
Dhibane Aadan Waadi oo ahaa ganacsato garab ku rarato ah ayaa hadda xeran Seddax sano iyo bar, waxaana lagu dhex xukumay xabsiga dhexdiisa iyadoo aysan jirin maxkamad la horkeenay ama cid goobjoog ka aheyd xukunkiisa, mana jirto qiraal loo haayo eedeymaha lagu soo eedeeyay.
Ninka soo eedeeyay oo lagu magacaabi jiray Cali Dhaleye ayaa hadda ah mowdo, isagoo geeriyooday sanad kadib, markii dhibanaha xeran uu xabsiga dhigay.
Muuqaalkaan kooban, waxaa ka daawan kartaa qoyskiisa oo ku dhiban Burco, isla markaana nolosha ku adag tahay oo ka waramaya qaabka loo xeray.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment